Deeq A. Posted June 29, 2021 Waxaa magaalada Muqdisho ka socda maalinti labaad shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Shirkan ayaa looga arinsanayaa sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii 27-kii May Muqdisho ay ku gaareen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka . Shirka ayaa shalay ku soo dhamaaday isfaham sida ay madaxda sheegen, maanta ayaana lagu wadaa in shirka warbixin looga dhageysto guddiga doorashada . Madaxda dowlad gobaleedyada iyo Rooble ayaa la filaya in warbixinta guddiga kadib ay war-murtiyeed ka soo saaray shirka . Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites