Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy oo isaga cararay caasimadda Tigray iyo mucaaradka oo ku dhow

Recommended Posts

Deeq A.   

Mekele (Caasimada Online) – Dowlada ku-meel gaarka aheyd ee uu Abiy Ahmed ka dhisay gobolka Tigray ayaa isaga carartay magaalada caasimadda ah ee Mekele, kadib markii ciidamada mucaaradka ay kusoo dhowaadeen, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan.

Arrintan ayaa ka dhigan isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka sideedda bilood ka socda gobolkaas, iyo guul-darro siyaasadeed oo soo wajahday Abiy Ahmed.

Mucaaradka oo la baxay Ciidamada Difaaca Tigray Tigray Defence Forces (TDF), ayaa toddobaadkii tegay billaabay weerar culus ayaga oo kusoo beegay doorashooyinka ka billowday dalka.

Sarkaal ka tirsan dowladda ku-meel gaarka ah oo la hadlay wakaaladda wararka AFP, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in maamulka uu go’aansaday inuu ka cararo caasimadda Mekele, kadib markii ciidamada TDF ay kaga soo dhowaadeen “dhinac kasta.”

“Qof kasta waa uu cararay. Kii ugu dambeeyey galabta ayuu ka baxay. Gobolka ma lahan wax dowlad ah iminka,” ayuu yiri. 

Sidoo kale, sarkaal ka tirsan hay’adaha bani’aadannimada oo ku sugan caasimadda ayaa xaqiijiyey in dowladda ay ka carartay halkaas.

“Saraakiisha ku-meel-gaarka ah waxay carareen saaka,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan hay’adahaas oo isna codsaday inaan la magacaabin.

Goobjoogeyaal dhowr ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada federaalka iyo booliska ay sidoo kale ka carareen Mekele, waxaana lagu warramayaa in rasaas dabaal deg ah laga maqlayo magaalada.

Xafiiska Abiy Ahmed ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Kahor inta aysan gobolka ka cararin, dowladda ayaa ku baaqday xabad-joojin, ayada oo sheegtay in ciidamada federaalka ee taageersan Abiy Ahmed ay ka baxayaan gobolka. 

Maalmihii dhowaa ayaa dagaal xooggan wuxuu ka socday gobolka, ayada oo ciidamada Tigray ay soo qabsadeen deegaano badan kuna soo siqeen magaalada caasimadda ah ee Mekele. 

Madaxda dowladda carartay Abraham Belay ayaa baaqiisa xabad-joojinta qiil uga dhigay si dadka dhibaateysan gargaar loo gaarsiiyo, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay u muuqatay in magaalada ay kusoo socdaan ciidamada Tigray.

Naga filo, faah-faahin dheeri ah goor dhow, Insha Allah.

The post Maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy oo isaga cararay caasimadda Tigray iyo mucaaradka oo ku dhow appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this