Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Xukuumadda oo ka warbixisay shirkii maanta, sheegtay haddi qodobada qaar wax laga beddelayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa goordhoweyd ka warbixiyey shirkii maanta magaalada Muqdisho uga furmay Golaha Wada-tashiga Qaran iyo qoddobadii looga hadlay.

Afhayeenka ayaa ugu horeyntii sheegay in shirka maalintiisi koowaad ay soo gaba-gabowday, kaasi oo looga hadlay waxyaabihii qabsoomay mudadii bisha aheyd ee hanaanka doorashada iyo heshiiskii 27-kii May.

Shirka maanta oo uu shir-guddoominayay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo guddiga farsamada ee uu hore u magacaabay Rooble la faray in berri Golaha keenaan qorshahooda ku aadan doorashada.

Afhayeenka ayaa waxa kale oo uu beeniyay in qoddobada qaar laga bedelayo heshiiskii ay hore u saxiixeen ra’iisal wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada, midaasi oo si weyn loo hadal hayey maalmihii la soo dhaafay.

“Guud ahaan waxaa laga wada-hadlay arrimo la xiriira shirkan iyo shirkii 27-kii May, majirto wax qorshe ah oo laga leeyahay habayaraate la bedelo qorshihii ama heshiiskii 27-kii May, wararka qaarkood ee ay dadka sheegayaan ee la isla dhexmarayo wax ka jira majiraan,” ayuu yiri Afhayeenka.

Heshiiskii 27-kii May ay madaxda ku saxiixeen magaalada Muqdisho ayaa dhigayay in doorashada lagu qabto muddo 60-maalmood ah, waxaana baxday in ka badan 30-maalmood, taasi oo meesha ka saari karta suurta-galnimada in doorashada ku qabsoomto mudadaas.

The post Video: Xukuumadda oo ka warbixisay shirkii maanta, sheegtay haddi qodobada qaar wax laga beddelayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this