Sign in to follow this  
Deeq A.

Loolanka Loogu Jiro Shirguddoonka oo Meel Xasaasi Ah Maraya, Tirooyinka La Kala Haysto, Isbahaysigii oo Lakala Furfuri Kari La’yahay iyo Xukuumadda oo Si Quus ah Uga Hadashay Tartankan

Recommended Posts

Deeq A.   

“Khaliifow Adeerkaa u Tanaasul, Haddii Kalena (oo aanad tanaasulayn) Barkhadba Ha Qaato Guddoomiyaha Wakiillada..” Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Loolanka loogu jiro shirguddoonka golaha wakiillada ayaa maraya meel xasaasi ah waxaana sii kordhaya dedaallada uu dhinac kastaaba ugu jiro inuu hanto xildhibaannada ugu badan ee codayn doona.

Loolanka ayaa u dhexeeya xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE. Xisbiyada mucaaridka ahi waxay hore u caddeeyeen inay guddoomiyaha wakiillada u sharraxeen xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo baxay WADDANI, halka xisbiga UCID uu qaatay labada kuxigeen oo loo kala qoondeeyey Xildhibaan Jaamac Cumar oo ka soo jeeda Sanaag iyo Cali Xaamud Jibriil oo isna ka soo jeeda Awdal, halka xukuumadduna iyo xisbigeeda KULMIYE ay caddeeyeen in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu u sharraxan yahay guddoomiyaha golaha wakiillada, walow aan wali kuxigeennada la soo xulin.

Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE ayaa illaa maalintii isbahaysiga mucaaridku ku dhawaaqeen murashixiintooda u taagan shirguddoonka waxay iyaduna degaysay tab iyo xeel kasta oo ay ku kala furfuri karto, islamarkaana shaki ku kala dhex dhigi karto isbahaysiga mucaaridka ah iyo xildhibaannadiisa.

Hase yeeshe sida ay xoguhu tibaaxayaan illaa hadda xukuumaddu kuma guulaysan inay natiijo buuran ka keento dedaallada ay ugu jirto kala qaybinta iyo kasbashada xildhibaannada mucaaridka.

Sida ay ilo lagu kalsoon yahay Somalilantoday u xaqiijiyena, waxaaba jira xubno ka tirsan muxaafidka KULMIYE oo ra’yi ahaan doonaya inay u codeeyaan xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif, halka sidoo kale ay jiraan illaa labo xubnood oo mucaaridka ah oo iyaguna si aan toos ahayn ula socda Yaasiin Faratoon, taasoo natiijada ka dhigaysa in mucaaridka aan waxba iska dhimin tiradii ay ku xisaabtameey, halka muxaafiidkana aan wax tiro ahi u soo kordhin.

Geesta kale hadallo maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayay xukuumadda iyo shakhsiyaadka taageersan Xildhibaan Faratoon ayaa abuurayay shaki badan oo dhinaca awoodda xukuumadda ah, waxaana ay dhamaantood loolanka u dhexeeya Khaliif iyo Fartoon u yeeleen waji qoys, iyagoo ku talinayay in Cabdirisaaq Khaliif uu u tanaasulo adeerkii Faratoon, maadaama uu ka weyn yahay adeerna u yahay.

Hase yeeshee waxa ugu yaab badnaa wasiirka hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi oo soo jeediyey in Khaliif adeernimo ugu tanaasulo Faratoon, waxaana uu intaas raaciyey WADDANI kula taliyey inay ugu yaraan Barkhad Batuun soo sharaxaan haddii aanay Faratoon u deynayn, wasiirka oo arrimahas ka hadlaya ayaa yidhi:

“Waxaan anigu odhan lahaa  waar adeerkaa daa (Khaliifow), adeerkaa daa oo xanafna ha abuurin,hadda ayaanu ku leenahay oo kuugu celinaynaa, wuu kaaga da’waynayhay (Faratoon) oo kaaga khabiirsan yahay, siyaasadana waa u caafimaad qabaa waana u da’ dhallinyar baad tahay oo khibrad ma lihid, 2012-kii ayaa noogu kaa horreysay, umadda Somaliland iyo golaha wakiillada waxaan odhan lahaa maanta waxaynu joognaa maalin aynu qofkaynu dooranaynu aynu baadhayno oo aynaan nin aynaan soo gelin nin aynaan maqaamkiisa weydaarin, maanta Yaasiin Maxamuud Xiir dal iyo dibad ninkii wax ka qaban lahaa weeye gaal iyo islaam, golaha wakiilladana nin kaga habooni ma jiro, waar haddii aynaan sidaas yeelayn (oo aanad tanaasulayn Khaliifow) ninka la yidhaahdo Mooge-ba waxa uu ku qaatay (maayirnimo) firfircoonidiisa, dadkii doortay iyo hal abuurkiisa, waar maandhaw kursiga dadka kama xignee kulligeen intaynu iskaga hadhno oo Yaasiin iskaga hadho oo Khaliif ka hadho waar maandhaw Barkhad Batuun ha qaato oo wuxuu ka qaadanayaa beesha caalamku waxay odhanaysaa Somaliland horumarkii ugu weynaa bay gaadhay oo nin beelaha laga tirada badan yahay ah baa raysal barlamaan laga dhigay, WADDANI-na ha keeno Barkhad Batuun”.

Hadalka wasiirka ayaa muujinaya sida xaaladdu ugu culus tahay xisbiga KULMIYE oo aad mooddo inuu hadda bilaabay inuu yidhaahdo mucaaradku qofkaas ha soo sharaxo oo qofkaas hanaga daayo.

Ugu dambayn inkasta oo aan la saadaalin karin halka uu ku dhamaan karo loolankani islamarkaana ay daqiiqad kasta oo cusub wax isbedeli karaan, haddana illaa hadda inta muuqata isbahaysiga mucaaridka ayaa haysta aqlabiyadda shirguddoonka go’aamin karta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this