Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Ruushka oo ku gacansaydhay Codsi uga yimi Itoobiya+Daawo Maxaabiis Itoobiyana oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Ruushka oo ku gacansaydhay Codsi uga yimi Itoobiya

itoobiya.png

Dowladda Ruushka ayaa diidday inay kaalmo ciidan u fidiyo dalka Itoobiya kaddib guulihii lama-filaanka ahaa oo ay ciidanka Jabhadda Tigreegu ka soo hoyeen dagaallo ka dhacay gobolka Tigree dhawaan.

Demeke Mekonnen Hassen, Wasiirka Arrimmaha Dibedda Itoobiya, ayaa ka codsaday Ruushka inuu sahay iyo sanad degdeg ah la soo gaadho dowladda Itoobiya.

Ciidammada Tigreega ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah dhowr maalmood kaddib markii qaybo ka mid ah Itoobiya ay ka dhacday doorasho gorfeeyeyaal badani ku asteeyeen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqraayo.”

René Lefort, qoraa Faransiis ah, ayaa sheegay in Demeke uu hadda doonayo in dowladaha Galbeedku ka caawiyaan in wadahadal lala galo jabhadda Tigreega.

Muuqaal ku saabsan maxaabiista Xabashida oo ay ciidammada Tigreegu hayaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this