Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Al-shabaab oo shan nin iyo qof dumar ah ku toogtay degmada Saakow

Recommended Posts

Deeq A.   
3-31.jpg?resize=890%2C534&ssl=1

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay, in ay Axaddii shalay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen lix ruux oo ku eedaysnaa basaasnimo.

War ka soo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in lixdaas ruux dhammaantood ahaayeen jawaasiis u shaqeeya hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Sida laga soo xigtay Al-shabaab, dadka la toogtay waa shan nin iyo qof dumar ah oo dhammaantood bixiyay macluumaad sirdoon oo ku saabsan Al-shabaab.

 Waana Cumar Cabdulqaadir Hiiraale, Cabdi Xasan Axmed, Ibraahim Cumar Cali, Sadaam Cusmaan Maxamed, Aweys Xasan Xaaji iyo Fartuun Cumar Abkow.

PUNTLAND POST

The post Ururka Al-shabaab oo shan nin iyo qof dumar ah ku toogtay degmada Saakow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this