Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Hirshabeelle laga qanciyay Tabashadii Shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in la xalliyay tabashadii maamulka Hirshabeelle ka muujiyay shirka arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu khadka Taleefonka kula hadlay madaxweynaha Hirshabeelle, islamarkaana ka raalli-geliyay tabashadii uu ka qabay Shirka.

Qoraalka waxa kale oo lagu sheegay, in madaxweynaha Hirshabeelle shirka uu aaladda Fogaan-aragga ee Zoomka kaga qayb-galayo shirka oo maanta furmaya, kadib markii laga qanciyay Tabashadii uu muujiyay.

“Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Hirshabeelle laga qanciyay Tabashadii Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this