Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo Ku Gacansayray Codsi uga Yimid Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Wararka PP) — Dowladda Ruushka ayaa diidday inay kaalmo ciidan u fidiyo dalka Itoobiya kaddib guulihii lama-filaanka ahaa oo ay ciidanka Jabhadda Tigreegu ka soo hoyeen dagaallo ka dhacay gobolka Tigree.

Demeke Mekonnen Hassen, Wasiirka Arrimmaha Dibedda Itoobiya, ayaa ka codsaday Ruushka inuu sahay iyo sanad degdeg ah la soo gaaro dowladda Itoobiya.

Ciidammada Tigreega ayaa gacanta ku dhigay in ka badan 4000 oo maxaabiis ah dhowr maalmood kaddib markii qaybo ka mid ah Itoobiya ay ka dhacday doorasho gorfeeyeyaal badani ku asteeyeen mid “Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed isku boqrayo.”

Muuqaal ku saabsan maxaabiista Xabashida oo ay ciidammada Tigreegu hayaan.

René Lefort, qoraa Faransiis ah, ayaa sheegay in Demeke uu hadda doonayo in dowladaha Galbeedku ka caawiyaan in wadahadal lala galo jabhadda Tigreega.

© Puntland Post, 2021

The post Ruushka oo Ku Gacansayray Codsi uga Yimid Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this