Sign in to follow this  
Deeq A.

Hirshabelle oo laga diiday codsigii wax ka badalka Heshiiska doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ka helayaan Muqdisho, maalmahaanba Hirshabelle waxay u ololaynayeen in Soo xulida Xildhibaanada Maamulkaan ka imaanaya lagu qabto Jowhar oo qura lagana tanaasulo Baledweyne.

Arintaan waxaa si weyn uga horyimid Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Raysal wasaaraha, waxayna soo jeediyeen in aan waxba laga badalin Heshiisyadii horay loo gaaray.

Madaxweynaha Horshabella ayaa maalmahaan doonayay in aysan Doorashadu ka dhicin Baledweyne, taas badalkeedana wuxuu doonayaa in Xildhibaanada Beelaha Dega Gobolkaan la isugu keeno Jowhar halkaasna lagusoo xulo Xildhibaanada Gobolka Hiiraan.

Beesha ugu Tunka weyn Gobolka Hiiraan oo ah Beesha Xawaadle ayaa aaminsan in Villa Soomaaliya ay u ololaynayaan Shaqsiyaad Beesha Ah oo ay iyagu wataan.

Jubbaland ayaa horay looga diiday in Deegaan Doorashadu ay noqoto hal magaalo, Sababtoo ah Muranka ka taagan Gobolka Gedo,

Puntlandi.com Muqdisho

4320B054-5866-4DF2-9D0B-83260A1D0AC5.jpe

The post Hirshabelle oo laga diiday codsigii wax ka badalka Heshiiska doorashada appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this