Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanyare: Mudug ciddii qas ka sameysa waa la dilayaa, xataa qaar baan maxkamad la gaarsiinayn

Recommended Posts

Deeq A.   


Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku hanjabay in ay si muuqata iyo si aan muuqan-ba u dili doonaan cid kasta oo lug ku yeelata amni-darrada gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ay hayaan liiska dad isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada Mudug oo siyaabo kala duwan ula shaqeyn jiray Al-shabaab, isla markaana ay marin doonaan wadadii 18 nin ee lagu toogtay Gaalkacyo.

Gudoomiye Sanyare oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Shabaabkii hubeysnaa oo dadka layn jiray ama qaraxyada geysan jiray xooggoodii gacanta dowladda ayuu ku jiraa, laakiin koobi (Copy) Shabaab baa jira, iyagaan hadda bilaabaynaa, waxaan liiskooda haynaa ganacsato lacag siin jirtay, kuwo meelo waxbarasho ku gabada oo dadka tashkiilin jiray, kuwo masaafurin jiray iyo kuwo dadka marin habaabin jiray”

“Gobolka Mudug ciddii qas ka sameysa si muuqata baan u dilaynaa, xataa qaar baan maxkamad la gaarsiinayn” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Sanyare: Mudug ciddii qas ka sameysa waa la dilayaa, xataa qaar baan maxkamad la gaarsiinayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this