Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada sare oo maanta dhegaysatay 7 dacwadood oo la xidhiidha doorashadii wakiilada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Sare ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigii labaad ee ay ku dhagaysanayso dacwadaha la xidhiidha natiijadii golaha Wakiillada JSL ku dhagaysatay maanta 7 dacwadood.
dacwad1-1-1024x556.jpg

dacwad7-1024x462.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Aadam Xaaji Cali iyo 9 garsoore oo kala ah ku-xigeenka guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, Cabdiqaadir Axmed Maxamuud, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Axmed Diiriye Qaalib, Yaxye Cali Idiris, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan iyo Cabdilaahi Cabdi Aadam oo ay wehelinayso kaaliyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Sahra Ismaaciil Cabdilaahi ayaa maanta fadhi buuxa (Full bench) ku dhagaystay 7 dacwadood oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee golaha Wakiillada JSL. Sida uu qorshuhu ahaa maanta waxa mudaysnaa 8 dacwadood hase ahaatee saaka ayuu hal (1) murshax ka noqday dacwadiisii, sidaa daraadeed maxkamadu waxay dhagaysatay 7 dacwadood, oo marka lagu daro 7-dii dacwadood ee ay hore u dhagaysatay 23/06/2021, ka dhigaysa wadarta dacwadaha la dhagaystay 14 dacwadood.
Waxa sidoo kale mudaysan 8 dacwadood oo ay Maxkamadu dhagaysan doonto maalmaha soo socda, marka uu soo dhammaado dhagaysiga dacwaduhu waxay maxkamaddu soo saari doontaa go’aan kama dambays ah oo la xidhiidha dacwadahaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this