Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Suudan Oo Loo Gudbin Doono Maxkamadda ICC

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Dowladda Sudan ayaa qorsheynayso inay Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jeneral Cumar Xasan Axmed Al-bashiir iyo xubno kalae oo ka tirsanaa Dowladiisa ku wareejin doonaan Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ee ICC oo ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Hayg ee dalka Netherlands.

Wasiirka Arrimaha Federalka ee Sudan, Buthayna Diinaar ayaa hadalkaasi ku sheegtay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Khartoum, waxayna xustay inay Dowladda Sudan go’aansan doonaan inay Al-bashiir iyo xubno kale u gudbiyaan Maxkamadda ICC-da.

Waxay intaasi ku dartay in Al-bashiir la wareein doono marka ay Maxkamadaha Gudaha  soo gebagebeeyaan Dacwadaha  Musuqa iyo kuwa kale ee loo haysto.

Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee ICC-da waxay ku eedeeyeen Al-bashiir iyo saddexda Sarkaal ee kale inay geysteen Dembiyo Dagaal, Xasuuq iyo Falal ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, waa sida ay Maxkamada ku doodayso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this