Sign in to follow this  
Deeq A.

“Madaxweyne Haynagu Celin Sharci Daradii 2005 Dhacday Oo Kale….” Faysal Cali Waraabe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, uu dagaal sharci darro ah ka dhex wado golaha wakiilada.

Faysal ayaa sheegay in madaxweyne Biixi, aanu ku qanacsanayn qaybta uu xisbigiisu ka helay xubnaha wakiillada.

“30 ayaad heshay labadii xisbi ee kale, ayaa helay 52, qaybtaada imaanso” ayuu yidhi.

“Shir gudoonka isbahaysiga ayaa leh xumaana maaha ayaan leeyahay, dalkii oo dhan baad gacanta ku haysaye hagaaji” ayuu hadalkisa ku daray.

Faysal ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu joojiyo dagaal uu sheegay in uu ka dhex wado golaha wakiilada ee cusub.

“Madaxweyne jooji dagaalka gudaheena ah” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in madaxweynuhu uu wado mid lamida sharci daro uu sheegay in ay dhacday 2005.

“Madaxweyne haynagu celin sharci daradi dhacday 2005 ee intuu UDUB helay 33, ee UCID helay 21, Kulmiye na helay 27”.

“Sharcidaradi keentay in Kulmiye yeesho 62 Waddani oo aan dorashaba galina uu yeesho 20, UCID oo 21 heshayna la yidha male xildhibaan” ayuu yidhi.

“Waa sharci daradii aduunka ugu foosha xumayd ee dhacda ee tii haynagu celinin” ayuu hadalkisa ku daray.

Xisbiga KULMIYE iyo xisbiyada mucaaradka oo dhan  aha ayaa loolan ugu jira hanashada shir gudoonka golaha wakiilada ee cusub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this