Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay  Soomaali ah & Nin Jaceyl ka dhexeeyo oo loo qabtay Afduubkii Xafsa Luqmaan oo Dirqi lagu badbaadiyey iyadoo dhaawacan

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenay  Soomaali ah & Nin Jaceyl ka dhexeeyo oo loo qabtay Afduubkii Xafsa Luqmaan oo Dirqi lagu badbaadiyey iyadoo dhaawacan

xafsa-2.jpg

Baadhayaasha Kenya ayaa soo xiray labo eedeysane oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen afduubkii iyo jirdilkii bishan horraanteeda loo geystay Xafsa Maxamed Luqmaan.

Jackson Njogu, oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, ayaa laga soo xidhay hoteelka Crystal View Lodge oo ku yaalla deegaanka Kinangop.

Booliiska ayaa sheegay in labadan qof oo xidhiidh jaceyl uu ka dhaxeeyay ay ka dambeeyeen afduubka Xafsa Maxamed oo laga kaxaystay dukaankeeda.

tuug.jpg

“Kaddib markii ay falka dembiga ah geysteen, (Jackson iyo Xafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna iibsadeen maqaaxi, halkaas oo ay ka howl geli jireen,” ayaa lagu yidhi qoraal ay bata Twitter-ka soo dhigtay Waaxda Dembi-baarista Kenya.

Xafsa Maxamed oo 23 jir ah, ayay bishan horraanteeda booliisku ka heleen qol mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Matopeni.

The main suspects behind the kidnapping and torture of Hafsa Mohamed Lukman, the Kamukunji based businesswoman who was kidnapped on June 15, have been arrested by detectives. At the crack of dawn this morning, undercover teams from the revered pic.twitter.com/n3GSDAgOGb

— DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 27, 2021

Afduubayaasha ayaa lacag madax furasho ah oo gaareysa 5milyan ka dalbaday qoyskeeda.

Si kastaba lama bixin lacagta madax furashada ah, eedeysanayaasha ayaana ka baxsaday goobta.

Labada eedeysane ayaa lagu wadaa in berri la soo taago maxkamadda.

Sida saaxiibtey Xafso ay iigu dhigtay dabinka afduubka”

.
.

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato ah oo 23 jir ah, oo la afduubay muddo shan maalmood ah ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibteed ay ka mid ahayd afduubayaasha. Waxaysheegtay in Xafsa Cabdi, haweeneyda lasoo xidhay subaxnimadii maanta ee Kinangop iyo tuhmane kale, ay ahayd maskaxdii afduubka.

Dhowr afduub oo loo geystay gabdho ayaa la soo werinayay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay.

“Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ahayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iyada ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale, “ayay tidhi.

Baadhayaasha dambiyada ayaa qabtay labada eedeysane oo ay ku tilmaameen kuwii ugu muhiimsanaa ee ka danbeeyey afduubka iyo jirdilka loo geystay Xafsa Maxamed Luqman.

Haweeneyda 23-jirka ah oo ka ganacsan jirtey Islii ayaa la waayey Juun 15, 2021, waxaana soo badbaadiyay booliska shan maalmood ka dib.

Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 jir ah ayaa saaka laga qabtay Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay xalay ku hoydeen.

Baadhayaasha ayaa yiri “Subaxnimadani maanta ma ahayn maalin nasiibkoodu hagaagsanaa. Waxaa la soo qabtay qolka nambarka 8-aad ee kuyaala Crystal view lodge,”

Booliska ayaa sheegay in labadan qof ee is jecel ee soo abaabulay afduubka Hafsa Mohamed oo ka dhacay dukaankeeda, la sheegay inay ku guuleysteen inay lacag dhan 650,000 oo shilinka Kenya ah ay ka furteen akoonada bangiga dhibanahaas intii ay u afduubnayd.

“Markii ay dambiga galeen, iyaga (Jackson Njogu iyo Hafsa Cabdi) waxay u baxsadeen Kinangop waxayna ka iibsadeen baar, halkaasoo ay ka shawlgelayeen,” ayaa lagu yiri fariin ay soo dhigeen agaasinka baarista dambiyada.

Gabadha oo lagu magacaabay Xafsa Maxamed Luqman, waxaa markii ugu dambeysay lagu arkay dukankeeda kabaha lagu iibiyo ee Islii.
Gabadha oo lagu magacaabay Xafsa Maxamed Luqman, waxaa markii ugu dambeysay lagu arkay dukankeeda kabaha lagu iibiyo ee Islii.

Nimankan sirdoonka ah ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in labadan qof ee maanta la qabtay, xilli waagu baryay, kooxo qarsoodi ah oo ka socda Xafiiska Baadhista iyo Sirdoonka Dambiyada, ay qayb ka ahaayeen hawlgalka qabashadooda.

Xafsa Maxamed, oo ku nool California Estate ee xaafadda islii ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa baarayaashu ka heleen qol ku yaal Matopeni, Kayole, halkaas oo lagu qasbay inay ku sii negaato haanta biyaha ee madhan.

Xafsa Cabdi sawirkeeda oo hooyadeed ay eegeyso
Xafsa Cabdi sawirkeeda oo hooyadeed ay eegeyso

Kahor intaan la waayin Luqmaan , duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda ayaa muujisay inay dukaanka soo gashay 4:44 pm Talaadadii, June 15 iyadoo ay la socoto Xafsa Cabdi.

Waxaana la arkayey iyada oo indhaha kala hadlaysa nin kale oo aan la aqoon kahor inta aysan ka bixin dhismihii dukaanka.

Xafsa Lukman ayaa sheegtay inay ku sugnayd goobteeda ganacsi ee caadiga ah Kaliforniya ee xaafada Islii markii ay Xafsa Cabdi u timid maalintaas kana codsatay in u raacdo goob ganacsi oo ay ku leedahay Kayole.”Waxay ii sheegtay inay dukaan ku leedahay Kayole, halkaas oo ay ku iibinaysay qaraha laakiin markii aan tagnay, ma jiraan wax aan ka ahayn dhul qashin badan oo ay i geysay,” ayay tiri.

Markii dambe waxaa soo badbaadiyey saraakiil boolis ah iyada oo xaalad wanaagsan ku sugan in kastoo la jirdilay. Mid ka mid ah faraheeda ayaa sidoo kale la jaray.

Labada afduubayaashu waxay dalbadeen madaxfurasho dhan 5 milyan oo shilin si ay u sii daayaan Hafsa Maxamed.

Si kastaba ha noqotee, intii aan madaxfurashada la bixin ayay tuhmanayaasha ogaadeen in booliisku ku daba jiro kolkaas ayay doorteen inay cararaan.

Labada eedeysane ayaa maxkamad la soo taagi doonaa Isniinta.

“Waan ku kalsoonaa iyada oo had iyo jeerna waan caawin jirey markay ii baahn tahay. Kaliya waxaan rabaa in cadaalada shaqayso oo laga jaro wixii ay i soo mariyeen. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xidhay” ayay tiri Xafso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this