Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Xamse “Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya Waxaay Diyaar U Tahay Garabsiinta Xiriirka Minifootboolka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabgabeeyay koob lagu xusayay todobaadka xoriyada,waxaana iska kaashaday Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo Xiririirka kubad cagyaraha Soomaaliya,ciyaartii fiinalaha waxaa wada dheelay kooxaha Jazeera iyo Nadabada,waxaana munaasabadii xeritaanka ka soo qeyb galay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Xamse Saciid,guddoomiyaha Xiriirka kubad cagyraaha Soomaaliya Xaaji Aadan Cabdulle iyo mas’uuliyeen oo kale oo ka tirsan Wasaarada Ciyaaraha iyo qaar ka mid ah laacibiintii hore Soomaaliya.

MVI_0070.MOV.02_52_20_21.Still002-1024x5

“Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya wuxuu diyaar u yahay in fursad siiyo dhalinyarada aan fursad u helin in dheelista kooxaha iyo Xulka Qaranka” ayuu warbaahinta u sheegay Saaciid Xuseen Cabdi oo ah madaxda tartamada xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya sidoo kalane ah Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Warta-Nabada.

“Guulaha ugu waaweyn ee aan Gaarnay doorashada ka dib iyo shaqooyinka kala duwan ee socoda,waxaa kaalin buuxda ku leh madaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya,anigoo ku hadlay magaca Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya,waxaan lee nahay Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya mahadsanidiin 100%” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle.

“Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya waxay guul iyo horomar u rajaynaysaa Ciyaartooyda Xulka Qaranka Minifootoboolka ee k qeybgalaysa tartanka Qaarada Afrika” ayuu sheegay Saacid Maxamed Xasan oo ah agaasimaha waaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya.

Xiriirka Minifitooboolka wuu ka dhaqdhaaq badanyahay dhamaan xiriirada ka dhisan dalka,Gobolka Banaadir waan in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxda Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya” ayuu munasaabada ka sheegay Wasiir iyo ciyaaryhahan hore Soomaaliya Saciid Jamaac Qorsheel.

 

“Doorashadii Madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya ka dib,waxay qabteen shaqooyin badan,Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu dhiirigelinayaa shaqooyinka ay ka wadaan Gobolka Banaadir” ayuu saxafadda u sheegay Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir .

Gobolka Banaadir iyo SOMFA waan in ay si dhaw ugu wadashaqeeyaan horomarinta Minifootboolka” ayaa ku bogaadiyay la taliyaha dhinaca isboortiga madaxweynaha Farmaajo mudane. Prof.Maxamed Xuseen Haadi.

Wasiir Xamse “Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyrada Soomaaliya,wehel ayay u tahay xiriirka Minifootboolka,sidoo kale Wasaaradda waxay diyaar u tahay la shaqeynta dhamaan xiriirada ka dhisan dalka” ayuu sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamse.

Daawo Warbixin Koobka Lagu Xusayay Todobaadka Xoriyadda

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this