Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay Muranka cusub ee hor taagan Heshiiskii Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka maanta lagu balan san yahay inuu Muqdisho uga furmo Hogaamiyayaasha Soomaaliya ayaa looga xaajoonayaa Qodobo horay loogu heshiiyay laakiin hada muran cusub uu ka dhashay.

Howlwadeenada Puntlandi.com ayaa ogaadey in Qodobka Muranka xoogan uu ka taagan yahay uu yahay Goobaha Doorashadu ka dhacayso Dowlad Goboleedyada, Heshiiskii u dambeeyay ee bishii May ay wada gaareen Raysal wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo waliba Heshiiskii 17sebtembar waxaa la isla meel dhigay in Doorashooyinka ay ka dhacaan Caasimadaha Dowlad Goboleedyada iyo Magaalo kale Maamul walba, inkastoo Xiligaas Muran xoogan uu ka taagan Dhanka Jubbaland, Axmed Madoobe wuxuu ku dadaalay in Doorashooyinka ay ka dhacaan Caasimadaha oo qura Laakiin aakhisrkii wuu ka tanaasulay.

Maxaa hada dib udoo celiyey Qodobkaan

Wararka hoose oo aan helayno waxay sheegayaan in Xukuumada Federaalka khaasatan Xafiiska Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Horshabeele Cali Guudlaawe ay ka laabteen Heshiiskii Labada Magaalo kadib markii Maamulka Hirshabeele ay ka quusteen inay taagan Magaalada Baledweyne, waxayna Qorsheysteen in Doorashadu ay ka dhacdo oo qura Jowhar,Laakiin Arintaan Raysal wasaaruhu kuma taageersana waana tan Muranka dhalisay.

Dhanka kalena waxaa dabkaan Baasiin kusii bilbilay Madaxweyne Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland kolkuu ka warhelay in loo ololaynayo in Doorashada Hirshabeele laga dhigo hal Magaalo wuxuu isna soo istaagay in Doorashada Jubbaland iyana laga dhigo hal magaalo, oo ah Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Raysal wasaare Rooble oo dhowr jeer Teleefoon ku wada hadlay waxay isla meel dhigeen in lagu dhaqmo Heshiisyadii horay loo wada gaaray, waxayna aakhirkii isla garteen in Shir la isugu yimaado Muqdisho, waana Shirka hada loo balan sanyahay.

Laakiin waxaa Shirkaas durba isku dayay inuu fashilmo Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo gadaal ka riixaya Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe.

Baledweyne

Reer Baladweyne marnaba kuma qanacsaneyn Madaxweyne Guudlaawe Doorashadiisii, tan iyo markii la doortayna Dagaal Siyaasadeed ayay kula jireen, waxaa hada soo ifbaxay in Beesha ugu Tunka weyn Gobolka Hiiraan oo ah Beesha Xawaadle ay qorsheysteen inaan cidna u yeerin cida ku matalaysa Baarlamaanka Federaalka, waxayna hor istaageen shaqsi walba oo looga shakisan yahay inuu gacan saar laleeyahay Villa Soomaaliya,

Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Hiiraan balse gacan saar la leh Villa Soomaaliya ayaa hada unololaynaya in Doorashadii ka dhici lahayd Baledweyne losoo wareejiyo Jowhar.

Kulanka Madaxda Dalku waxaa lagu wadaa inuu maanta furmo laakiin waxaa wali kulanka ka maqan Madaxweynaha Hirshabeele,Hadii uu sii maqnaadana waxaa Macquul ah in kulanku uu u dhaco beri oo isniin ah.

Puntlandi.com Muqdisho

2D082CED-F0FE-4662-8721-5724946FD161-800

The post Muxuu yahay Muranka cusub ee hor taagan Heshiiskii Doorashada appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this