Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Muumin “Fari kama qodna Gaalkacyo, Kuwo badan Ayaan Cadaalada soo hortaagaynaa”

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Kornayl Muumin Cabfi Shire oo ka hadlayay munaasabadii lagu toogtay Maleeshiyaadkii Argagixisada ayaa dhambaal hanjabaad ah u diray kuwa wali ku howlan ama faraha kula jira falalka Argagixisada.

Taliye Muumin euxuu yiri “ Kuwo badan oo Ganacsato leh, Wadaado leh, Dhacab ah ayaanu Cadaalada soo hortaajin doonaa”

Hadalka Taliyaha ayaa u muuqda in Howlgalka ay wadaan Bileyska iyo Ciidamada uu wali socdo isla markaasna ay jiraan Dad kale oo falal Argagixiso loo hayo iyo kuwo lagu Raad joogo.

Maanta oo Axada ayaa Gaalkacyo lagu toogtay Maxaabiis kor u dhaafaysa labaatan kuwasoo lagu helay falal Argagixiso iyo Dilal qorshaysan oo ay geysteen ama wax ka maloogeen.

Taliyaha Ciidamada Bileyska Gobolka Mudug Kornayl Muumin wuxuu balan qaaday in Cadaalada la horkeeni doono dambiilayaal badan Laakiin ma uusan carabaabin in Dambiilayaashaa gacanta lagu hayo hada iyo in kale.

Puntlandi.com Gaalkacyo

9AC7D037-D998-49A9-93C5-BA4A39C82D18-647

The post Taliye Muumin “Fari kama qodna Gaalkacyo, Kuwo badan Ayaan Cadaalada soo hortaagaynaa” appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this