Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir xasaasi ah oo maanta ka furmaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Raysal wasaare Rooble, Shirka oo looga arinsanayo Qodobo kamida Heshiiskii Horay loo wada gaaray ee Doorashada.

Madaxweynaha Hirshabele Cali Guudlaawe ayaa ka carooday ka qaybgalka Shirka wuxuuna sheegey in aan isaga lagu wargalin qabsoomida Shirka.

Qodobka xasaasiga ah ee sababay in kulankaan la isugu yimaado ayaa ah qodob kamida Heshiiskii 17 Sebtembar, waana Qodobka Doorasha Deegaanka. Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa gadaal ka riixaya in Doorashada Hirshabele ay ka dhacdo hal goob oo ah Jowhar.

Madaxweyneha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna sheegey in Hadii Hirshabelle ay Doorashadu ka dhacayso hal meel in Isagana loo ogolaado in Doorashadu ay ka dhacdo Kismaayo oo qura .

Muranka Qodobkaan ayaa cirka isku shareeray tasoo keentay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu Dalbado in shir degdeg ah la isugu yimaado si looga arinsado Qodobkaan .

Maantanoo Axada ayaa la filayay in kulanku furmo waxaase dhici karta in uu dib u dhaco maadaama Madaxda Dowlad Goboleedyada ay qaar wali maqan yihiin.

Puntlandi.com Muqdisho

5B0913E1-8D6E-4E9A-9A95-4DC80E9799EA.jpe

The post Shir xasaasi ah oo maanta ka furmaya Muqdisho appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this