Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Deegaanka Wisil

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Wisil ee hoostaga magaalada Hobyo ee goblka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii xubna ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saaka ay ku waabariisteen dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Al-shabaab iyo ciidamada daraawiishta Galmudug ku dhex maray deegaanka Wisil ee gobalka Mudug.

 

Wixii Faahfaahin ah ee warkaan ku soo kordha kala soco Goobjoog 

Goobjoog News 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this