Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo dad horleh usoo qabatay afduubkii Xafsa Maxamed + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada laba ruux oo ay sheegeen in laga qabo tuhunka ugu badan ee ah in ay ka dambeeyeen afduubkii dhowaan loo geystay gabar Soomaali ah oo ku nool gudaha Nairobi.

Hay’adda dambi baarista Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa barteeda Internet-ka ku faafisay in ciidamada ammaanka ay gsaaka acanta kusoo dhigeen haweeney iyo nin Kenyaan ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen afduubkii Xafsa Maxamed Luqmaan oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ganacsato ah, kuna mid ah Soomaalida  xaafadda Islii

DCI waxay sheegtay in labadan ruux ay gacanta ku soo dhigeen, kadib howl-gal gaar ah oo subaxnimadii hore ee maanta ay sameeyeen ciidamada sirdoonka dowladda Kenya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in labada ruux ee ay soo qabteen ciidamada amniga  iyaga oo ku sugan hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sirdoonka Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cid waliba ay uga digayaan afduubka, qof walba oo falkaasi lagu helana la ciqaabi doono.

Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa 15-kii bishan June lagu afduubtay gudaha magaalada Nairobi, waxaana ugu dambeyn Booliska ay soo bad-baadiyeen 20-kii bishan, kadib marki guri afduub ahaan loogu heystay oo ku yaalla tuulada Matopeni ee deegaanka Kayole, waxaana ka muuqday dhaawacyo iyo jirdil xoogan ay u geysteen afduubayaasha.

Soomaalida ku dhaqan gudaha dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujiyey afduubka iyo tacadiyada ay la kulmayaan haweenka Soomaaliyeed ee ku nooql dalkaasi oo sare u kacay.

The post Kenya oo dad horleh usoo qabatay afduubkii Xafsa Maxamed + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this