Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar Oo Joojisay Wada-xajoodkii Diblomaasiyadeed Ee Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Samiix Shukri ayaa sheegay in xilligan la joojiyey Wada-xaajoodkii Diblomaasiyadeed Ee Turkiga, isla markaana aanu jirin Wafti Masaari ah oo ku waajahan dalkaasi.

Wasiirka oo Wareysi siiyey TV Maxali ah waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ayna jirin wax Taariikh Rasmi ah oo ay labada Dowladood dib ugu eegi doonaan Xidhiidhkooda Diplomaasiyadeed.

“Waxaan rajeynaynaa in Xidhiidhka labada dal asaas u noqdo qoddobada waa weyn ee Deganaanshaha Xidhiidhadda Caalamiga, Faragelin La’aanta Arrimaha Gudaha iyo Deris Wanaaga” ayuu yidhi Wasiir Samiix Shukri.

Waxa uu intaasi ku daray inaan la oggolaan doonin dhaqdhaqaaq kasta oo dhul Dowladeed oo loo adeegsanayo Deganaansho La’aanta dal kale.

Wasiirka waxa uu si kulul u naqdiyey La-taliyaha Madaxweynaha Turkiga, Yaasiin Aktay, kaasi oo dhaliilay Qawaaniinta Dowladda Masar ee ka dhanka ah Hoggaamiyayaasha iyo xubnaha Ururka Akhwaanul-Muslimiinka ee Masar laga mamnuucay.

Maqaal uu La-taliyaha Madaxweyne Erdogan dhawaan ku qoray Wargeyska Turkishka ee YENI SAFAK waxa uu ku soo hadal-qaaday Sanad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegtay waxa uu ugu yeedhay Afgembiga Milliteri ee Masar ka dhacay.

Inkastoo uu Xidhiidhka Masar iyo Turkiga uu mar kale xumaaday, haddana waxaa socday Isku-day Diplomaasiyadeed oo lagu hagaajin lahaa Xurgufta ka dhex aloosan, iyadoo Wafdi Turkish ah ay Qaahiar booqdeen bishii la soo dhaafay ee May 5-dii ilaa 6-dii, kadib markii ay Dowladda Masar ka heleen Casuumaad Rasmi ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this