Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaalkii dilay George Floyd oo xukun dheer lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaalkii booliiska ahaa ee dilay George Floyd, ayey maxkamad ku taal Minneapolis jimcihii ku xukuntay 22.5 sano oo xarig ah.

Dilkan oo aha mid wada  taabtay quluubta shucuubka caalamka ayaa sababay mudaharaado ka dhacay badi daafaha dunida.

 George Floyd ayaa geeriyooday bishii May ee sannnadkii hore ka dib markii uu ciijiyey askari cadaan ahi.

Boqolaal shacab ah oo ka falcelinaya xukunka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee maxkamada.

PUNTLAND POST

The post Sarkaalkii dilay George Floyd oo xukun dheer lagu riday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this