Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Caafimaadka Britain Oo Is-casilay Kadib Markii Lagu Qabtay Isagoo Dhunkanaya Kaaliyihiisa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Wasiirkii Caafimaadka Britain Matt Hancock ayaa is casilay kadib markii la sawiray isagoo dhunkanaya haweeney u ahayd kaaliye.

Matt Hancock ayaa hase ahaatee waxa uu sheegay inuu isu casilay kadib markii uu jabiyay xeerarka ka hortagga cudurka Covid 19.

Siyaasiga xaaska leh ayaa la sawiray isaga oo dhunkanaya isla markaana isku duuban la-taliyihiisa, waxayna majaladda The Sun ee Ingiriiska ka soo baxda qortay inuu xidhiidh la leeyahay.

Wargeysku wuxuu ku warramay in sawirradu ahaayeen May 6, laba toddobaad ka hor inta aan loo fasaxin dadka inay isku dhowaan karaan gudaha England.

“Waxaan u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha inaan iska casilay xilka Xoghayaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada … Kuweena sameeya xeerarka waa inaan ku adkaysanno inaan ilaalino, waana taas sababta aan u casilay,” Hancock ayuu ku yidhi muuqaal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Hancock ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa saarnaa cadaadis la xadhiidha sida uu u maareeyay cudurka coronavirus ee ka dillaacay dalka Britain.

Illaa hadda, in ka badan 128,000 oo qof ayaa ku dhintay Boqortooyada Midowday (Covid-19) – waana dhimashadii ugu badneyd ee Yurub.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this