Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Saaka Xukun Dil Toogasho Ah Ku Fulisay 18 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Gaalkacyo)-Maxkamadda Ciidamada dowlad Gobolleedka Puntland ayaa saaka oo ah Axad ah xukun dil toogasho ah ku fulisay rag badan oo ka tarsan Al-shabaab, kuwaasi oo hore Maxkamadda xukuno dil ah ugu riday.

Goob fagaare ah oo ku taalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa lagu toogtay 18 xubnood oo lagu helayo inay ka dambeeyeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dad kale oo ka dhacay halkaas.

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa goobjoog ka ahaa goobta xukunka dilka toogashada uu ka dhacayay, waxaana xubnaha la toogtay  dhammaatood ay la sheegay inay tirsanaayeen Al-shabaab.

Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah xubnaha saaka xukunka lagu fuliyay, kuwaasi oo hore loogu soo qabtay howlgallo la sameeyay.

Waa markii horreeysay oo Puntland xukun dil toogasho ah ku fulisay in ka badan 15 xubnood oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, isla markaana ay fuliyeen dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo oo Mas’uuliyiin iyo dad kala duwan lagu dilay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this