Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo Saaka dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   
Xukmanayaal.jpg?resize=960%2C538&ssl=1

Dowladda Puntland ayaa Saaka oo Axad ah Gaalkacyo ku toogatay 18 xubnood, oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Maxkamadda ciidamada Puntland, ayaa hore xukun dil ah ugu ridday raggan oo ka kooban shabakado Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada Gobolka Mudug, gaar ahaaanna magaalada Gaalkacyo.

Xukmanayaasha la toogtay waxa ku jira, horjoogayaal sare oo wareysiyo laga qaaday ku qirtay in ay hoggaamin jireen Amniyaadka Al-shabaab ee Gobolka Mudug.

Faysal Axmed Bashiir (Gujis), Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib) iyo Maxamed Cali Cuuke (jeeri) ayaa kamid ah horjoogayaasha saaka lagu toogtay Gaalkacyo.

Sidoo kale, caasimadda Garoowe waxa saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo lagu hayay xabsiga weyn ee Garoowe, halka magaalada Qardho lagu toogtay hal xubin oo Shabaab ah.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo Saaka dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this