Sign in to follow this  
Deeq A.

Bilyaneerka ugu da’da yar UK ee bilaa xafiiska ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Bilyaneerka ugu da’da yar UK ee bilaa xafiiska ah

Johnny Boufarhat
Johnny Boufarhat

Johnny Boufarhat wuxuu muddo 2 sano gudahood ku sameeyay in ka badan $ 5.6 bilyan oo doolar kadib markii u furtay shirkad qaabilsan qabashada shirarka Online-ka.

Wuxuu shaqaaleysiiyay in ka badan 500 qof, dadkaas intooda badan weligood ma aysan la kulmin ninkan maadama uusan laheyn wax xafiis ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Sunday Times oo soo bandhigay liiska dadka ugu taajirsan UK, Johnny Boufarhat oo 27 jir ah wuxuu noqonayaa bilyaneerka ugu taajirsan UK.

Ninkan ayaa wuxuu jecel yahay in uu soo bandhigo shaqooyin kheyrul caadi ah.

Shirkaddiisa ma lahan xafiis, wuxuu shaqada ka qabtaa hadba halka uu tego, Johnny Boufarhat ma lahan xitaa guri joogta ah.

“In shirkaddeyda ay shaqeyso iyadoo aysan xafiis ah laheyn waxay inoo suurogelisay in aan sameyno waxyaabo aysan horey u qaban shirkadaha kale” ayuu yiri Johnny Boufarhat.

“10 sano ka hor ma awoodin in aan sameeyo arrintani sababta oo qalabka Online-ka ee suurtogeliyay ganacsigan ma jirin, xitaa waxaa adkeyd in si wanaagsan laisugu dhex diro Email-lada” ayuu yiri Boufarhat.

Wuxuu intaas ku daray in laga shaqeeyo meelo ka baxsan xafiisyada waxay noqotay arrin waxtar weyn soo kordhineyso isla markaana horseedeyso in ganacsiga uu ballaarto.

Wakhtiga ugu haboon

Shirkaddiisa Online-ka ee Hopin wuxuu sanadkii 2019-ka ku bilaabay lix shaqaale ah oo kaliya ah balse wuxuu dhaqaale badan sameeyay kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona taas oo horseeday in uu hakad galo ganacsiga adduunka.

Shirkaddiisa waxaa uu suurtogashay inay qabato in ka badan 80,000 oo shirar ah tan iyo sanadkii 2020, wuxuu la shaqeeyaa hay’ado iyo shirkado sida Qaramada Midoobey, gaashaanbuurta Nato, Slack iyo Unilever.

Haatan uma yaallo wax qorshe ah oo ku aadan in uu wax ka baddalo sida uu hadda u shaqeeyo.

Boufarhat oo ku sugan Barcelona xilli uu shaqadiisa halkaas ka watay
Boufarhat oo ku sugan Barcelona xilli uu shaqadiisa halkaas ka watay

Wuxuu qaaday dhabbo ganacsi oo casri ah oo muujin kara in mustaqbalka la hirgelin karo shirkado u shaqeeyo noocan.

Wuxuu shaqaalihiisa ka kooban 500 bil kasta u qabtaa kulan Online-ka ah oo wax laisaga weyddiyo waxa u qabsoomay iyo caqabadaha taagan .

“In laga shaqeeyo meel aan xafiis aheyn waxay inoo suurtogelisay in aan shaqaaleysiino dad kala duwan oo caalamka ku sugan” ayuu yiri Johnny Boufarhat.

‘Wuxuu ii horseeday isbaddalkan’

Sheekadiisa waa mid dhiirogelin leh-waxay fikraddan aasaaska shirkadda Hopin ku bilaabatay markii uu ku xanuunsaday London.

Qoyskiisa waxay kasoo jeedaan dalka Lubnaan balse wuxuu ku dhashay kuna soo barbaaray Australia ka hor inta uusan soo aadin London isaga oo da’yar.

Wuxuu sanadkii 2015-kii u safray Koonfur Bari Asia kadib markii uu ka qalin jebiyay jaamacadda Manchester gaar ahaan kuliyadda Injineernimada.

Shirkaddiisa Hopin waxay qaabilsan tahay shirarka Online-ka
Shirkaddiisa Hopin waxay qaabilsan tahay shirarka Online-ka

“Wuxuu xanuunka ii horseeday in la yimaado isbaddal, xitaa guriga kama bixi karin, muddo ka badan sanad, waxaan go’aansaday in aan noloshaas go’adoonka ah aanan kusii jiri karin”

Wuxuu in muddo ah ku shaqeynayay shaqo aan joogto aheyn oo ku saabsan barnaamijayada ganacsiga ee Online-ka si noloshiisa uu ugu dabaro.

Sanadkii 2019 waxaa ugu dambeyntii u suurogashay in uu hirgeliyo shirkaddiisa Hopin taas oo uu ka macaashay kadib saameynta ka dhalatay safmarka Karoona.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this