Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida xeeladeysan ee uu mindida ku helay Soomaaligii weerarka ka fuliyey Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Würzburg (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Jarmalka ayaa weli baaraya sababta ku kaliftay nin Soomaali ah inuu fuliyo weerar mindi oo uu ku dilay saddex qof, lix kalena ku dhaawacay, kaasi oo ka dhacay magaalada Würzburg ee gobolka Bavaria, Jimcihii.

Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxayaa xog ku saabsan qaabka uu Soomaaligan 24 jirka ah weerarka u fuliyey iyo sida uu ku helay mindida. 

Tuhmanaha ayaa la sheegay in isaga oo aan wadin wax mindi ah uu soo galay dukaan weyn oo alaabaha lagu iibiyo, kadibna uu haweeney weydiiyey halka ay yaallaan mindiyaha, sida laga soo xigtay madaxa booliska gobolka, Gerhard Kallert oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii.

Waxa uu kadib soo qaatay mindi, isaga oo saddex haween ku dhex-dilay dukaanka kahor inta aanu weerarka kusoo qaadin dad ku sugnaa dibedda. Wuxuu halkaas ku dhaawacay lix qof, oo mid ka mid ah xaaladdiisa ay liidato.

Waxaa kadib laga adkaaday markii booliska ay lugta ka toogteen, isaga oo hadda wajahaya saddex dacwad oo dil ah, iyo lix isku day dil ah, sida uu sheegay qareenkiisa. 

Ninkan Soomaaliga ah ayaa dalka Jarmalka ku noolaa tan iyo 2015.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in si ku-meel gaar ah horraantii sanadkan loo dhigay isbital cudurada dhimirka lagu daweeeyo kadib markii uu mindi ugu hanjabay qof ay iskula noolaayeen xarun ay ku nool yihiin dadka hooy la’aanta ah.

Agaasimaha waaxda dambi-baarista Jarmalka Armin Kühnert ayaa sheegay in baarayaasha ay sidoo kale qoraallo naceyb ah ka heleen taleefonkiisa. 

Wasiirka Arrimaha gudaha Bavaria Joachim Herrmann ayaa sheegay in baarayaasha ay eegayaan in xanuun dhimirka ah ama xagjirnimo islaami ah ay horseeday weerarka.

“Ma garaneyno mid ay tahay dhab ahaan, hase yeeshee midna weli meesha lagama saarin,” ayuu yiri Herrmann.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ninka Soomaaliga ah uu ku qeylinayey “Allahu Akbar” markii uu weerarka fuliyey. Hase yeeshee ma jiraan dad kale oo sheegay inay sidaas oo kales maqleen. 

Si kastaba, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tuhmanaha aanay booliska ku aqoon wax dambiyo ah “oo u weecan dhanka xagjirnimada islaamiga ah.”

The post Sida xeeladeysan ee uu mindida ku helay Soomaaligii weerarka ka fuliyey Jarmalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this