Sign in to follow this  
Deeq A.

Guudlaawe oo qaadacay shirka ka furmaya Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa si lama filaan ah u qaadacay shirka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay HirShabelle. 

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa qaadacaadda sabab looga dhigay inaan lagala tashin qabsoomidda shirkan. “Dowladda HirShabeele maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya dowladda HirShabelle,” ayey tiri HirShabelle

HirShabelle ayaa ugu dambeyn sheegtay inay dhowri doonto fulinta heshiiskii 17-kii September iyo kii 27-kii May ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Marka laga soo tago sababta ay sheegtay HirShabelle, haddana ma cadda ujeedka dhabta ah ee ka dambeeya qaadacaadda Guudlaawe ee shirka, oo la rumeysan yahay in mid ka mid ah qodobada looga hadli doono uu ka mid yahay qodob si gaar ah isaga ugu daneynaya, kaasi oo ah in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo.

Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo laga diidan yahay magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey ayaa olole ugu jiray in doorashooyinka ay ka dhacaan hal magaalo, maalmulkiiba, si ay ugu qabtaan kaliya Jowhar iyo Kismaayo.

Go’aanka uu Guudlaawe qaatay ayaa waxaa durba soo dhoweeyey qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweyne Farmaajo, taasi oo dhalineysa tuhun ku saabsan in qaadacaddiisa ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia, inkasta oo aysan caddeyn danta ugu jirta.

The post Guudlaawe oo qaadacay shirka ka furmaya Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this