Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Ka Badbaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Balli-dhidin qarax lagula eegtay kolanyo ciidan ah oo uu la socday wasiirka Amniga dowlad gobaleedka Puntland .

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bar tilmaameedsaday Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamad Gallan, Taliyaha Ciidamdda Daraawiishta Puntland Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan, xilli ay ku socdaalayeen magaalada Billi-dhidin.

Wasiirka ayaa xilliga qaraxa lala eeganayay ku jiray booqosho uu ku marayay deeganada gobalka Bari, wararka ayaana sheegaya in qaraxa wasiirka iyo mas’uuliyiintii la socotay ay ka badbaadeen.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay hal askari ayaa qaraxa ku dhintay halka laba kalena uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa lala eegtay kolonyada wasiirka amniga Puntland .

Goobjoog News 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this