Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo qarax lagula eegtay Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
Miino-la-qarxiyay.png?resize=622%2C350&s

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, khasaaraha ka dhashay laba qarax oo lala beegsaday wefdi uu hoggaaminayay wasiirka Amniga Puntland, kuwaas oo ku sii jeeday degaanka Balli-dhadin ee Gobolka Bari.

Wefdiga oo ka ambabaxay degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari, ayaa jida loo geliyay laba qarax oo nooca miinada loo yaqaan ah waxaana ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada ayaa ku dhintay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay saddex askari oo dhaawacyadooda loo qaaday dhinaca magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, waxa qaraxa ku burburay mid kamid ah gaadiidkii ay wateen mas’uuliyiinta Puntland oo dhammaantood ka badbaaday qaraxaas.

Wefdiga waxa kamid ahaa Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo qarax lagula eegtay Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this