Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar Ku Dhintay Rasaas Loo Ridaayay Dabaaldega Munaasabadda 26-Juun

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ee dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in laba askari aay ku geeriyoodeen rasaas loo ridaayaay dabaaldega munaasabadda 26-Juun oo ah 61-guurada kasoo wareegtay Maalintii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

Goobta munaasabadda ka dhaceysay waxaa ku sugnaa madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana rasaasta badan ee la ridaayay iyo geerida labada askari oo ka kala tirsana ciidamada Militariga Soomaaliya iyo kuwa Haramcad ay sababtay cabsi xoogan oo soo waajahday madaxdii ku sugneed goobta munaasabadda ka dhaceysay.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay laamaha amniga ee maamulka Hirshabeelle oo la xadhiidha falkii xalay ay ku dhinteen labada askari xili aay socotay munaasabadda 61-guurada kasoo wareegtay Maalintii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, taasoo xata cabsi ku abuurtay dadka ku nool magaalada Jowhar oo sida ay sheegeen u qaatay rasaasta dhaceysay mid dagaal ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this