Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed karaash oo shacabka Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-a June

Recommended Posts

Deeq A.   
Karaash.jpg?resize=960%2C578&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska maalinta xorriyadda 26-ka June.

Mudane Axmed Karaash, ayaa ku hambalyeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay 26-kii June 1960, markaas oo Gobollada waqooyi ee Soomaaliya ka xornimadooda ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in 26-ka June qiima badan ugu fadhido umadda Soomaaliyeed, maadaama ay tahay markii u horraysay oo calan Soomaali leedahay oo xor ah laga taago Gobollada waqooyi ee dalka.

Hambalyo dhammaan ummada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan Sanad guurada 61-aad ee kasoo wareegtay markii u horaysay ee Calan Soomaliyeed laga taago ciiddeena 26 June 1960.” Ayuu yiri Axmed Karaash

PUNTLAND POST

The post Axmed karaash oo shacabka Soomaaliyeed ku hambalyeeyay munaasabadda xuska 26-a June appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this