Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali ah oo dad ku laayay gudaha Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-2.jpeg?resize=1000%2C667&ssl=1

Nin Soomaali ah oo ku hubaysan mindi dheer, ayaa Jimcihii shalay dad ku laayay  gudaha magaalada Wurzburg ee waddanka Jarmalka, sida laga soo xigtay Booliiska dalkaas.

Ninkaas oo da’diisa lagu sheegay 24-sano jir, ayaa saddex ruux ku dilay Wurzburg shan kalena ku dhaawacay, sida ay sheegeen saraakiisha, ka hor intaan Booliisku isaga dhaawicin.

 Sarkaal ka tirsan Booliska oo lagu magacaabo, Joachim Hermann ayaa sheegay in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay wiil yar kaasoo aabihii ay u badan tahay in uu ka mid yahay dadka dhintay.

Ninka falkan geystay ayay boolisku sheegeen in uu daawo dhinaca dhimirka ah qaadanayay, kahor intii uusan weerarkan geysan, isla markaana ay boolisku la socdeen.

PUNTLAND POST

The post Nin Soomaali ah oo dad ku laayay gudaha Jarmalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this