Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Canada oo sheegtay in ay qaadanayso Qaxooti Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Canada ayaa sheegtay, in ay dib u-dejin u samaynayso in ka badan 240 Qaxooti ah oo sharci la’aan ku haysato waddanka Australia.

Qaxootigan oo u badan Soomaali, ayaa ku dayacan gudaha Australia iyo jasiiradda Papua new guinea, kadib markii dowladda Australia u diiday in ay aqoonsi siiso.

Dowladda Canada oo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, ayaa sheegtay in ay qaabilayso dhammaan Qaxootigaas sharci la’aanta ku ah Australia.

Go’aankan ay ku dhawaaqday Canada waxa soo dhoweeyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan waddanka Australia.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Canada oo sheegtay in ay qaadanayso Qaxooti Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this