Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ka degay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16246925928123057.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hogaaminayay wafdi ka kooban labada gole ee Jubaland waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan labada gole ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa magaalada Muqdisho kaga qeybgalayaa shir ay yeelanayaan mas’uuliyiinta Madasha Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda Muqdisho gaaraan madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle, halka madaxweynaha Koonfur Galbeed uu shalay ka degay Muqdisho.

Shirka Muqdisho ayaa looga hadlayaa howligii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27 May iyo dardargelinta shaqooyinka harsan.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo ka degay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this