Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Qalafsan ee soo wajahaday Soomaalida ku sugan Gobolka tigray ee collaaddu ka oogan tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda Qalafsan ee soo wajahaday Soomaalida ku sugan Gobolka tigray ee collaaddu ka oogan tahay

Qaraabada dadkii ay waxyeelada soo gaartay oo barooranaya
Qaraabada dadkii ay waxyeelada soo gaartay Tigray oo barooranaya

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa laga deyrinayey xaaladda gobolka Tigray ee dalka Itoobbiya. Gobolkaas, waxaa ku sugan arday Soomaali ah oo halkaa wax ka dhigta. BBC-da ayaa ka war doontay xaaladdooda iya sida uu u saameeyey dagaalkii maalmihii u dabeeyey ka taagnaa gobolkaas,

Colaadda gobolkaas waxaa ku dhintay kumannaan qof, waxaana ku barakacay dad ka badan laba milyan oo qof.

Ardayda Soomalida ee ku sugan halkaas ayaa gaaraya boqollaal, waxaanay u qaybsamaan kuwo ka yimi deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobbiya iyo kuwo deeq waxabarasho ka helay gobolkaas oo iyana ka yimi deegaammada kale ee Soomaaliya.

“Magaalada Makelle ayan joognaa, mana jirto weli cid gaar ah oo nasoo raadsatay laakiin cabsi ayaannu qabnaa haddannu nahay ardayda Soomaaliyeed” ayuu yidhi Siciid Macallin Bahsiir.

Waxaana Siciid cabsidaas ku sheegay in ay ka welwelsan yihiiin weerarro ugu yimaadda dhinacyada isku haya gobolka.

“Illaa hadda wax dhibaata ah nama soo gaadhin se cabsidaasi way iska jirtaa oo mar walba su’aalo ayay ku weydiinayaan. Tusaale, ka warramo ciidammo Soomaali ah ayaa dagaalka ka qayb galay oo Ererteriya ku tababaranayay? markaa annaguna marwalba waxaan dhahnaa waxaasi ma jiraan. Se kollayba dadkii qalbigooda waxaasaa ku jira oo dad badan baa jira oo dadkoodii wax gaadheen arrinkaana dareemaya oo cuqdadi ku jirto, illaa hadda se wax nagu dhacay ma jiraan.” ayuu yidhi arday kale oo isaguna halkaa ku sugan oo lagu magacaabo Maxamed Shire

Kooxda TPLF ayaa khilaaf aad u weyn kala dhaxeeyey raysal wasaare Abiy Axmed ka dib isbaddalkiisa siyaasadeed, in kasta oo qabsashadii saldhigyadii militariga federaalka ee Tigray uu horseed u ahaa duulaanka lagu qaaday halkaas.

.

Kooxda TPLF ayaa wixii intaa kadambeeyay waxay kubiirtay xoogaga kooxaha kale ee ku sugan gobolka si ay udhisaan jabhada kacaanka ee difaaca (TDF).

Dhanka kale waxaa maalmihii u danbeeyey laga soo sheegayay gobolka macalluul aad u daran, iyaga haayadaha xuquuqda aadamuhu ku qaylo dhaamayeen in la gurmado dadka halkaasi ku sugan.

“Way jirtaa cunnayaridaas waana la dareejmayaa oo maciishaddii aad bay u qaaliyawday. Sannadihii u danbeeyey lacagta naloo soo diro waxaannu ku iibsan jirney kor bay u kaceen oo waa ay labanlaabmeen” Ayuu yidhi Siciid.

Ardayda Soomaalida ayaa dhanka kale ka sii werweraya sida uu xaalka noqonayo.

Xaaladda guud ahaa ka taagaan deegaanka

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymaha la sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka gaysteen gobolka Tigray taasoo sababta ay daraasin dad ah ay ku waxyeeloobaan.

Midowga Yurub ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid welwelkeeda leh iyagoo sheegay in ”si ula kac’ ah rayidka loo bartilmaameedsanaya.

Miltaraiga Itoobiya ayaa beeniyaay in rayid la bartilmaameedsaday, balse xaqiijiyay inay jireen duqyemo.

Mareykanka ayaa ku baaqay baaritaan deg deg ah oo madax banaan

Nin ku dhawaacmay duqaynta
Nin ku dhawaacmay duqaynta

Tobanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen ama dhaawaceen ka dib markii ciidamada cirka ee Itoobiya ay duqeeyeen suuq ku yaal gobolka waqooyiga ee Tigray.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada cirka ee Itoobiya ay Talaadadii duqeeyeen magaalada Togoga, oo 25 km u jirta magaalo madaxda gobolka, ee Mekelle.

Milateriga Itoobiya ayaa beeniyay inay bartilmaameedsadeen dadka shacabka ah, iyagoo sheegay inay weerarrada u qaadeen si ay uga hortagaan “argagixisada”.

Afhayeen u hadlay milateriga Itoobiya, Korneyl Getnet Adane, ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalyahanno oo keliya, balse aanay jirin dad rayid ah oo ku dhintay Togoga.

Dhakhtar caafimaad oo ka howlgala isbitaalka weyn ee Mekelle ee Aider ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 60 qof ay dhinteen in ka badan 40 kalena ay dhaawacmeen.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada ay intaa kasii badato.

Mr Abiy oo Isniintii la hadlayey BBC-da ka dib markii uu codkiisa ka dhiibtey doorashadii qaranka ee labada jeer dib u dhac ku yimid, ayuu sheegay inuu la shaqeynayo ciidamada ku sugan dalka deriska la ah ee Eritrea si ay dalka uga baxaan balse wuxuu sheegay inuusan “dibedda u riixayn.”

Waxaa lagu eedeeyay inay geysteen xasuuq, kufsi wadareed iyo xannibaaddo dhanka gargaarka bani’aadamnimada – eedeymahaas oo ay Eritrea beenisay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this