Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa lagu xasuusan doonaa Doorashadii ka qabsoomtey Soomaliland 2021?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaa lagu xasuusan doonaa Doorashadii ka qabsoomtey Soomaliland 2021?

Somaliland oo ku caana maashey deganaan iyo kala dambeyn iyo weliba

Doorashooyin xor ah oo Dadka reer Soomaaliland ay u muujiyeen Caalamka

in ay yihiin Dad aaminsan Diimuqraadiyadda iyo Hanaanka xisbiyadda badan.

Hore waxa uga qabsoomey Somaliland Doorashooyin u dhacey si xor ah,

waxa xasuus mudan in 2010 ay qabsoomtey Doorashadii Madaxtooyada loogu tartamaayey,

uuna ku guuleystey Xisbiga Kulmiye oo markaa xisbul mucaarad ahaa.

Waanan wada ognahey sidii xaragadda laheyd ee Xukuumaddii markaa jirtey

iyo madaxweyne Daahir Rayaale u aqbaleen Natiijadda.

Sidoo kale maanta Doorashada qabsoomtey waxa lagu xasuusan doonaa

Madaxweynaha iyo Guddida Kommishanka qaranku oo muujiyey dhexdhexaadnimo,

Runtiina Guusha Doorashadani Ogolaashaha Eebe kadib ay madaxweynaha iyo

Komishanka Qaranka ayaa iska leh .Dhexdhexaadnimadaa aan looga baran Doorashooyinka
ka dhaca inta badan Caalamka dunida saddexaad ayey muujiyeen taasina waxey sobotey

in ay Xisbiyadda mucaaradku ku guuleystaan Kuraasidii Golayaasha ee loo

tartamaayey badankooda oo ay Dadku sidaa u codeeyeen.

Waxase Guuldareystey Qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda hadda ka

mid ah oo si qeyrul masuul ah oo u eg tabihii kaliddii taliyihii Stalin ku dhaqmey.

Dadka wey u caga juglenayeen, xidhxidhayeen ,cabudhinayeen iyo weliba

iyakoo farayey Odayaasha qabiilooyinku in ay Habaaraan

Xildhibaanadda Xisbiyadda Mucaaradka ah ka tartamaya,

aakhirkiina Xisbul xaakimka dhaxalsiiyey Guul darro aanu ka Istaahilin Shacabkiisa.

Madaxweyne Ragaa haddii ay Xukuumadda kasii mid ahaadaan waxey ku noqon

bar madow iyo magac dil Doorashadaa sida quruxda badan aad u agaasinteen.

Abdi Elmi Jama
cilmi91@yahoo.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this