Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi loo saaray hubinta daymo loo haysto dowladda hoose ee Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdilladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa maanta oo Jimce ah magacaabay guddi qaabilsan hubinta cabashooyin ka yimid dad daymo ku sheeganaya dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug, ayaa lagu magacaabay Guddigaas oo ka kooban saddex xubnood, islamarkaana hubin ku samayn doona daymaha lagu leeyahay maamulka degmada Gaalkacyo.

Guddiga, ayaa hubin iyo kala saarid ku samayn doona dadka soo gudbistay cabashooyinka ku saabsan in ay daymo ku leeyihiin dowladda hoose ee Gaalkacyo sida lagu sheegay Wareegtada Guddoomiye Sanyare.

Warqad.jpg?resize=714%2C990&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddi loo saaray hubinta daymo loo haysto dowladda hoose ee Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this