Deeq A. Posted June 25, 2021 Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay ruqsaddii shargi ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ah qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaddib markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020. Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden. Gareenka Trump, Giuliani ayaa hore u soo nooday Garyaqaankii degmada Manhattan iyo duqa magaalada New York, waxaa lagu ciqaabay hadallada uu ka sheegay doorashadan. Iyadoo tixraaceysa qalelaasihii lixdii Janaayo ee ka dhacay Xarunta Congress-ka Mareykanka ayaa Maxkamadda Racfaanku waxay sheegtay in been-abuurka Giuliani ay khatar galin karto kalsoonida shacabka ee hannaanka doorashada, taas oo astaan u ah dimoqraadiyada Mareykanka iyo sidoo kale xirfadda sharciga. PUNTLAND POST The post Qareenkii Donald Trump oo Ruqsadii laga xannibay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites