Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo Maanta Muqdisho soo gaarayo iyo qodobo kamid ah heshiiskii 27 May oo wax laga badalayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta oo Jimco ah la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu magaalada Muqdisho kaga qayb-gelayaa shir ku saabsan dardar gelinta Arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa isna la filayaa inuu Maanta soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sida qorshu yahay waxaa uu dhici doonaa maalinta Berri ah, inkastoo ay jiraan warar sheegayo  inuu dib u dhici karo illaa Maalinta Isniinta ah maadaama madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay dalka ka maqan yihiin.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, shirka ayaa la laga yaabaa in wax looga badalo qodobada qaar ee lagu heshiiyey 27 May, waxaana kamid ah qodobada laga yaabo in wax laga badalo tirada ergada dooraneyso Xildhibaanada oo la qorsheenayo in laga dhigo 61 Ergo halkii ay markii hore ahaayeen 101.

Sidoo kale, qodobada in wax laga badalo laga yaabo waxaa kamid ah goobaha la dhigayo kuraasta oo la filayo in laga dhigo hal goob halka markii hore lagu heshiiyey in laga dhigo laba goob.

Wax ka badalista qaar ka tirsan qodobadii markii hore lagu sheegay ayaa waxaa u ololeenayo qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada sida Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe oo doonayo in kuraasta Hirshabelle iyo Jubbaland kaliya la dhigo Jowhar iyo Kismaayo.

Lama ogo sida ay ku suurta geli karto in wax laga badalo heshiiskii 27 May ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn Ra’isulwasaare Rooble, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, balse wax kasta waxay soo bixi doonaan maalmaha soo socdo.

The post Deni oo Maanta Muqdisho soo gaarayo iyo qodobo kamid ah heshiiskii 27 May oo wax laga badalayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this