Deeq A. Posted June 24, 2021 Waayaha nolosha iyo gedgeddoonkooda waxa lagu tilmaamaa mowjado oo kale. Waa mowjado iyaku is wada, oo aad qayb ka tahay. Mowjadahaasi jihada ay hadba u dhaqaaqayaan, Meesha ay ku geynayaan iyo natiijada ka soo baxaysa ma dadka ayaa saameyn ku leh, mise waa wax iska socda oo aynaan waxba ka beddeli karayn? Kii ay tahayba, runtu waa in noloshu tahay wax baaxad weyn, oo qof waliba yahay uun qayb yar oo ka mid ah. Qaxoonti in uu qof noqdo, waa waji ka mid ah uun wajiyada mowjaddaas weyn. Qaxoontinimadu badiyaa ma aha wax ku dhaca si qorshaysan iyo tashi – waa naf la carar. ‘I bixiyoow I bixi’ weeye xaalku. Source: Hiiraan Online Share this post Link to post Share on other sites