Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxa Waxbarashada Bariga yo Koonfurta Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
4-15.jpg?resize=1000%2C473&ssl=1

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada.

Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Madaxa Hurumarinta Waxbarashada Banka Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah.

Wasiirka Waxbarashada ayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday ayada oo la isku afgartay dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Bankiga Adduunka.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxa Waxbarashada Bariga yo Koonfurta Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this