Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney La Sheegay In Ay 10 Carruur Ah Dhashay Oo Beenowday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Koofur Afrika)-Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in haweeney dhowaan sheegatay inay dhashay toban carruur ah ayna weligeed uur qaadin ilmana dhalin lana dhigey hadda cisbitaal cudurada dhimirka lagu daweeyo.

Sida ay qoreen wakaaladaha wararka dalka Koofur Afrika Gosiame Thamara Sithole, oo 37 jir ah ayaa la geeyay qeybta dhimirka ee cisbitaalka Tembisa magaalada Johannesburg waxaana baadhay dhakhaatiir caafimaad.

Baadhitaan caafimaad ee lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in ayna weligeed uur yeelan, waxaana laga waayay calaamado muujinaya in qaliin caloosha ah lagu sameeyay weligeed.

Weriyihii billaabay warkan ee sii faafiyay, Piet Rampedi, ayaa hadda wajahaya xaalado adag – Maamulka Gobolka wuxuu amray in dacwad sharci ah lagu oogo weriyahaas.

Rampedi waa saxafiga qoray warbixinno badan oo uu ku sheegay in Sithole ay dhashay 10 carruur ah oo mataane ah, ayna jebisay rikoorkii caalamka.

Waxaa wararkaas sii qaatay warbaahinta caalamka, oo daafaha dunida ku sii faafiyay. Waxaana bilaabmay ololeyaal tabarrucaad loogu uruuriyay lamaanahaas.

Balse, shakiga wuxuu bilaamay markii Rampedi uu keeni waayay magaca cisbitaalka ay carruurta ku dhasheen. cisbitaallada gobolkaas ayaana beeniyay in haweeneydaas ay xaruntooda ku dhashay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this