Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wadahadleen Asad Diyaano iyo Safiirka Turkiga?

Recommended Posts

Deeq A.   
20210623_195158.jpg?resize=720%2C473&ssl

Siyaasi Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) iyo Safiirka Muqdisho u fadhiya Turkiga, Mehmet Yilmaz ayaa maanta ka wadahadlay arrimo la xiriira Puntland.

Asad Diyaano ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan si gaar ah uga wada hadalnay xiriirka Turkigu ay la leeyihiin Puntland oo ay dhawaan ka furteen Qunsuliyad soo dhoweysay adeegga ay bulshadu deegaankaas u baahnaayeen, dhinaca Waxbarashada, safiirku wuxuu ii xaqiijiyey in dugsigii labaad ee farsamada gacanta iyo Macaahid kale ay hay’adda MACAARIIF ka hirgelin doonto guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland.

“Waxaan si gaar uga mahadceliyey Safiirka, in dowaldda Turkiya ay ka fulisay 4 ceel biyood deegaanada Sool oo ahmiyad gaara u lahayd degaankaas” ayuu sii raaciyay qoraalka.

Sidoo kale Asad ayaa sheegay in uu Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ka wadahadleen dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliya oo ka mid ah heshiisyadii iskaashiga amniga iyo xarunta tababarka ee TURKSOM.

Asad Diyaano oo ahaa musharaxii looga guuleystay doorashadii Puntland ee 2019 ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo siyaasadeed ka waday Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wadahadleen Asad Diyaano iyo Safiirka Turkiga? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this