Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Berbera Iyo Ujeedada Safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo uga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socda oo safar shaqo halkaas u tegay, ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyey madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta berri ee khamiista ah, xadhigga ka jiri doona wejigii hore ee Mashruuca Balaadhinta Dekedda Berbera.

Mashruucan oo socday labadii sanno ee u dambeeyey, aya ah kii u balaadhnaa ee Dekeddaas laga hir geliyo tan iyo markii ay si rasmi ah Xukuumaddii Madaxweyne Siillaanyo ugu wareejisay Dekeddaasi shirkadda Dp World sannadkii 2016-kii.

Mashruucan oo xadhigga ka jari doono Madaxweyne Biixi, ayaa ka kooban dhawr qaybtood, iyada oo qaybta u muhiimsan ay tahay dhismaha 400M balaadhinta Dheega Maraakiibta lagu xidho.

Eng Yussuf Abdilaahi Abdi, oo ka mid ahaa Injineerada ka shaqaynayey  Mashruucan, ayaa yidhi, isaga oo Faah faahinayey qaybaha uu ka kooban  yahay.

Mashruucu wuxu ka koobna qaybo kala duwan waxaana kamid ah

1. 400M Quay wall ama dheega maraakibta lagu xidho.

2. Conatiner Yard /baraxada containers lagu kaydiyo

3. Reefer Containers/Qaybta containers ka leh qaboojiyayasha.

4. 16 dhismayal guri oo kala duwan.

5 .Warshad laydh/Power Plant

6 .warashada sifaynta bulaacadaha/Sewage treatment Plant (STP)

7. Buundada lagu eegayo culayska/Weigth Bridges

8 .Roads /wadooyin.

Mashruuca waxa maalgalisay Dpworld waxaana dhistay shirkada SHAFA ALNAHDA BUILDING CONTRACTOR.

Mashruuca waxaan ka wada qayb galnay dadyaw kalla duwan oo kala wadamo iyo qaarado ah sida S.koreans, indians, phillipines, Americans, Ethopians,Sudanese,Irlands, South africans,Tanzanian, Smalilander, Chainese iyo Brazilian.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this