Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdullahi Faarax Daguur “Macallin Cismaan Iskoot Waa Hanti Qaran ”

Recommended Posts

Deeq A.   

Cismaan Xaaji Maye (Iskoot) oo ka mid ahaa difaacayadii ugu adkaa Xulka Soomaaliya iyo naadiga Horseed,sanadihii la soo dhaafay wuxuu ahaa macallinka Xulka Qarankaa Miniftootboolka ee ka qeybgalay tartamo caalami,welina isaga ayaa ah tababaraha Xulka Qaranka kubad cagyaraha Soomaaliya,maamulka Xiriirka Kubad cagyaraha iyo taageerayaasha Minifootboolka ayaa sheegay in ay ku kalsoonyihiin aqoonta iyo khibrada Macallin Iskoot.

iskoot-823x450.jpeg.00_00_00_00.Still001

“Macallin Cusmaan Iskoot wuxuu ka mid yahay tiirarka uu ku taaganyahay Xiriirka Minifootboolka dalka,waxaan diyaar u nahay in aan ka faa’idaysano khibradiisa iyo aqoontiisa xaga hogaaminta Xulka Qarankeena” ayuu Goobjoog u sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubad cagyaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadann Cabdulle.

“Madaxda Xiriirka kubad cagyaraha Soomaaliya ee SOMFA kaalin waaweyn ayay ku lee yihiin horomarinta iyo guulaha Minifootboolka Caalamka” ayuu Goobjoog ugu waramay Falanqeeye Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ka faa’looda ciyaaraha gudaha iyo dibadda.

Macallinka Cusmaan Iskoota waa Hanti Qaran,Xulka Qaranka Minifootboolka wuxuu gaarsiiyay horomaro kala duwan,waxaan ka sugayaan in ay noo soo hooyo koobka Qaarada Afrika ee ka dhacaya Wadanka Nigeria ” ayuu Goobjoog u sheegay ciyaaryahan hore kubbadda cagta ahna falanqeeye ciyaaraha gudaha Cabdullahi Faarax Daguur.

“Bandhiga iyo awooda iyo tababare Cusmaan Iskoot waxaan aragnay sanadii 2016 markaas uu watay dhalinyaro aad u yar,waxay xiligaas soo hooyeen guulo taariikh ah,balse Xulka Qaranka Minifootboolka waxaan ka sugayaan in Soomaaliya ay u soo hooyaan natiijo lagu faxo,maadama ay ka qeyb galayaan tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka” ayuu Goobjoog u sheegay Falanqeeye Cabdirashiid Maxamed Nuur (Shardinho).

Sidoo Kale Daawo Warbixin Ku Saabsan Macallin Iskoot

 Aqriso Warar Kale Oo Ku Saabsan SOMFA

Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this