Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Kuma Cabdirasaaq Khaliif Axmed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdirasaaq Khaliif Axmed waa afar iyo kontan sanno jir 54 laba xaas leh iyo Aabbaha sideed carruur ah,waxa uu kamid yahay Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ee Gobolka Sool laga soo doortay,kaas oo kamid ah masuuliyiinta sar-sare ee Xisbiga WADDANI,isagoo hadda u tartamaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo haysta aqlabiyadda Golaha Wakiillada ay isku raceen inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Dhalashadiisii iyo Bar-baarintiisii

Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa Magaalada Laascanood ku dhashay sannadkii 1967-kii,halkaas oo uu ku soo qaatay qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ahayd.

Heerkiisa Wax-barasho

Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa wax-barashadiisii sare ku soo qaatay Magaalada Muqdisho.

Jaamacadda

Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa dhammaystay wax-brashada Jaamacadda heerka koobaad,waxaanu sidoo kale bartay culuumta caafimaadka,balse kuma uu shaqayn,sida uu sheegay isagu.

Ganacsiga

Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa laga soo bilaabo sannadkii 1991 ilaa 2010-waxa uu ku hawlanaan Ganacsiyo uu gaar ah isaga iyo kuwa uu saamiyo ku leeyahay,isaga oo madax ka ahaa shirkaddo waa weyn oo ka hawlgala guddaha dalka iyo deba.

Siyaasadda iyo Xilalkii uu Soo Qabtay.

Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa ah siyaasi degan oo qunyar socod ah,isla markaana u dhuun-dalloola siyaasadda Somaliland,waana siyaasi dhaqan yaqaan ah oo maddaale ah oo yaqaan shaxda siyaasadda Somaliland godadkeeda kale duwan hadba ka uu degayo.

Cabdirasaaq Khaliif Axmed sannadkii 2010-kii ayaa Madaxweyne Siilaanyo uu u magaacabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland,waxaanu xilkaas hayey muddo saddex sanno ku siman,

Sannadkii 2013-kii ayaa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u Magacaabay oo u beddalay Cabdirasaaq Khaliif Axmed inuu noqdo wasiirka wasaaradda hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Somaliland,waxaanu xilkaas hayey muddo laba sanno ku siman,kaas oo uu si iskii ah iskaga casiley dabayaaqadii sannadkii 2015-kii

Xisbiga WADDANI

Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaa ku biiray Xisbiga WADDANI,waxa aanu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxaam Maxamed Cabdilaahi Cirro uu u magacaabay sannadkii 2016-kii u Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga WADDANI .

Sannadkii 2018-kii ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxaam Maxamed Cabdilaahi Cirro uu u magacaabay Cabdirasaaq Khaliif Axmed inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI, kaas oo uu ilaa hadda hayo

Gunaanadkii Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo ah nin siyaasad ahaan degan,ayaa hadda u tartamaya inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland,kaas oo labada Xisbi ee UCID iyo WADDANI ay isku raceen,waxaana loo sadaalinayaan inuu xilkaas uu ku guulaysan doonno dhawaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this