Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Ma Qaadan Doonnaa Go’aankii Uu Qaatay Madaxweyne Riyaale Doorashadii Sannadkii 2005-tii Ee Shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-loollanka shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa xaraaradiisu ay cirka isku shareeraysaa,kaas oo u dhaxeeya Xisbiyadda isbahaysiga Mucaaradka Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE oo isagu helay tiro yar oo kuraasta Golaha Wakiillada ah, kaas oo isku deyaaya in xubno kale uu ka soo jilaabto labada Xisbi Mucaarad,halka ay iyaguna difaaca xidheen,isla markaana ay samaynayaa isku dayo ay kuwiisa ku soo xod-xodanayaan.

Haddaba loollanka shir Guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ee u dhaxeeya isbahaysiga Mucaaradka Somaliland,ayaa ah mid u eeg kii isbahaysiigii UCID iyo KULMIYE ay sannadkii 2005-kii ku qabsadeen shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay kaga adkadeen Xisbigii UDUB oo xiligaas tallada dalka hayey,balse wuu ka xamaasad baddan yahay.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Guddoomiyaha Xisbigii UDUB ayaa xilligaas sameeyey dedaalo kale duwan oo uu ku doonnayey inuu ku mijo xaabiyo isbahaysiga UCID iyo KULMIYE,isagoo Xisbigiisu u baahnaa keliya lix Xilhdibaan si uu kooramku uu ugu buuxsamo,balse uma ay suuragelin,waxaanu go’aansaday inuu iska iimaansado intii uu haystay,isla markaana uu u badheedho in ka-fadhiga uu wakhtigiisa ku qabto oo aan dib loo dhigin,maddaama uu oggaa in aanu shir Guddooonka helayn,haddana waxa uu sameeyey dhiiranaan,taas oo ahayd in ay Xildhibaanadiisii yimadaan Golaha oo ay dhammaan ka soo qayb-geleen kalfadhigaas.

Dhanka kalene Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday uu Xisbigiisa KULMIYE helay 30 Xildhibaan oo u baahan inuu helo 12 Xildhibaan si uu kooramku uu ugu buuxsamo,balse taas ayaa adag xilligan,maddaama oo ay si weyn isku hayaan isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo iyagu haysta aqlabiyadda Golaha Wakiillada,isla markaana ku heshiiyey inay xubnaha shir Guddoonka kale qataan,kuwaas oo qaydhinka ku sii kala qaybsaday xubaha Shir Guddoonka, iyadoo Xisbiga WADDANI uu qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,halka Xisbiga UCID uu isna qaatay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha.

Geesta kalene waxa la is weydiinayaan Madaxweyne Biixi ma qaadan donnaa go’aankii geesinimadda lahaa ee Riyaale uu qaadatay xilligan oo kale ,Madaxwene Biixi ma ku furri doonnaa kal-fadhiga koobaad ee Golaha wakhtigiisi,? mise marka uu oggaado in aanu haweysanayn shir Guddoonka Golaha waxa uu bilaabi doonnaa xeelado kale iyo xubnaha xisbigiisa oo ka muquurta kal-fadhiga Golaha Wakiillada,? sida haddaba ay xubnaha Golayaasha degaanka ee Xisbiga KULMIYE ay fadhiyadda qaar uga muquurteen, marka ay arkaan in laga haysto aqlabiyadda,waxaynu dhawrnaa waa qabsoomida doorashada shir Guddoonka Golaha Wakiillada iyo tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweyne Biixi nooca ay noqon doonnaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this