Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Filipino oo hanjabaad u diray dadka diidan talaalka COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Filipino Rodrigo Duterte, ayaa ku hanjabay inuu xiri doono dadka diidan inay qaataan talaalka ka hortaga Corona Virus.

Dadka diiday in aay qataan Cirbada ka hortaga Corona waxay kala dooran doonaan qaadashada tallaalka ama xabsi ” ayuu Duterte ku yiri  khudbad telefishanka Filipino laga sii daayay fiidnimadii Xalay, ka dib markii inta badan Shacabka ku nool caasimadda  dalkaasi Manila ay diideen in ay qataan Tallaalka ka hortaga Covid 19.

Dalka Filibiin ayaa hadda si adag ula dagaallamaya  xanuunka Corona Virus, iyadoo wadarta dadka xanuunkan laga helay ay gaarayaan 1.3 milyan oo qof,  halka dad gaaraya 23,000 ay  u dhinteen xanuunkan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Filipino oo hanjabaad u diray dadka diidan talaalka COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this