Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Caan ka ah Dhulalka Somalidu degto oo ka hadlay sida looga hortagi karo afduubka Haweenka

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Caan ka ah Dhulalka Somalidu degto oo ka hadlay sida looga hortagi karo afduubka Haweenka

Sheekh Maxamed Cabdi Umal
Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Weli waxaa socoto raadinta laba gabdhood oo kale oo la la’yahay. Mid ka mid ah gabdhahaas weli la la’yahay oo lagu magacaabo Xafsa Cabdi, waxay la socotay Xafsa Luqmaan oo Axaddii la soo badbaadiyay.

Xafsa Cabdi Axmed, waxay ahayd gabadh ka ganacsata qudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya.

Sida guud, xaafadda Islii waxaa laga hadal hayaa afduubkaas gabdhaha, tas oo walwal ku abuurtay dad badan. Siyaasiyiinta iyo culimada waxay shacabka u sheegayaan in ay feejignaadaan, iyagoo ka wacyigelinaya dhibaatada afduubka.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ayaa si weyn uga hadlay falalkii afduubka ahaa ee dhawaan ka dhacay Nairobi iyo Mombasa, wuxuu shacabka u soo jeediyay talooyin ku aadan sidii ay iskaga dhowri lahaayeen afduubka.

Sheekha wuxuu Soomaalida uga digay bunbuuninta ku aadan dhacdooyinka la xiriira afduubka, oo ah arrin dhallin karta cabsi iyo welwel, sidaas darteed in shacabka ay iska ilaalaan faafinta wararka la isla dhexmarayo ee ku aadan arrintani.

Sheekh ayaa ka hadlay waxyaabaha la is dhihi karo wey ka dambeeyaan afduubka:

Waxyaabaha horseeda afduubka

Amniga – Wuxuu sheegay in falalka afduubka ah ay ka dhashaan amni darro. Tusaale ahaan wuxuu soo hadal qaaday dad la waayay halkii jaan iyo cirib ay dhigeen oo markii dambe meydkooda la helay, welina aan wax wayn laga qabanin wixii ku dhacay.

Arrin dhaqaale – Sheekha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in mararka qaar afduubka uu ka dhasho xifaaltan iyo loolan dhanka ganacsiga iyo dano dhaqaale lagu raadiyo. Wuxuu soo hadal qaaday in arrintan ay soo ifbixi karto marka gaajada iyo baahida ay korodho.

Madaxfurasho – Wuxuu shacabka uga digay in ay bixiyaan wax madaxfurasho ah maadama ay arrintaas horseedi karto in ay sii bataan falalka afduubka oo lacag madaxfurasho ah laga dalbado qoyasaska ay dadka ka maqan yihiin.

Xifaatal dhanka siyaasadda ah – dadka uu tartanka siyaasadda ah ka dhexeeyo waxay isku adeegsan karaan arrintani.

Kufsiga – Sheekh Maxamed Cabdi Umal wuxuu sheegay in tacadiyadda dhanka jinsiga iyo kufsiga haweenka iyo in gabdhaha loo afduubto in shahwada laga guto ay keeni karaa afduubka.

 

Sidee looga hortaggi karaa afduubka gabdhaha?

Sheekh Maxamed Umal, oo ka mid ah culimada Soomalida ee Kenya, wuxuu shacabka kula taliyay in ay raacaan talooyinka soo socda si looga hortaggo afduubka.

  • In qofka uusan afka ka bixin xuska Alle iyo ducada oo aanan xirsi-xirka laga tegin. Wuxuu ku baaqay in carruurta iyo dumarka la baro ducooyinka iyo adkaarta.
  • In qofka uu feejignaado oo uu iska ilaaliyo goobaha halista ah iyo in qofka uusan soconin xilliyada qaar.
  • In lala dagaallamo shabakadaha afduubka geysta iyo in dadweynaha laga wacyigeliyo dhibaatadiisa.
  • In aanan la bixinin madaxfurasho. Wuxuu Sheekha ka digay in haddii ay arrintaas dhacdo ay horseedeyso in ay kordhaan falal afduubka ah.
  • In aanan gabaad la siinin dadka afduubka geysta.

Soo furashadii Xafsa Luqmaan

Axaddii booliska Kenya waxay sheegeen in ay ku guuleysteen soo badbaadinta Xafso Maxamed Luqmaan. Waxaa lagu hayay guri cidla oo mugdi ah oo ku yaalla xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.

Qoraal ay laanta dambi baarista Kenya soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in nabarro dhanka wajiga iyo gacmaha uu ka muuqdo sidaas darteedna la geeyay isbitaal si xaaladdeeda loo daryeelo.

“Haweeneyda waxaa wajigeeda iyo gacmaheeda ka muuqday nabarro, durbadiiba waxaa loola cararay cisbitaalka si loo daweeyo”, ayaa lagu yiri qoraalka booliska Kenya.

Xafso Maxamed Luqmaan
Xafso Maxamed Luqmaan

Waxay booliska qabteen nin 24 sano jir ah oo la sheegay in uu qeyb ka ahaa dadkii afduubay Xafso Maxamed Luqmaan.

“Nin 24 sano jir ah oo ka qeyb ahaa dadkii afduubtay Xafsa ayaa la xiray. Waxaa su’aalo weydinayaa baarayaasha si uu sharraxaad oga bixiyo falalka afduubka ah, si uu uga caawiyo in la soo qabto dambiilayaasha kale,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay booliska.

Booliska waxay digniin u direen qof kasta oo damacsan in uu ku kaco falal la mid ah dambigan, isla markaana ay dadaal kasta ku bixinayaan sidii loo soo qaban lahaa dadka arrin noocaas ah ku lug leh.

‘Salaad ayay ku jirtay markii la afduubanayay’ Xafsa Luqmaan

Sakariye Maxamed Luqmaan oo la dhashay Xafso ayaa BBC-da u sheegay in walaashii markii la afduubayay ay salaad ku jirtay.

“Saaxiibteed ayaa u waday mel la yiraahdo Kayole. Salaaddii Maqribka ayaa la gaaray. Iyadoo sujuud ku guda jirta ayay laba nin soo galeen oo ay xoog ku wateen oo qashin ayay afka uga gureen si aysan u qeylinin, wayna ceejiyeen. Dhaawaca ay qabta, markii la afduubayay ayuu soo gaaray,” ayuu yiri Sakariye.

Xildhibaanka deegaanka Kamakunji ee magaalada Nairobi, Yusuf Xasan, ayaa maanta ku booqday isibitaalka ay ku jirto Hafsa Maxamed Luqman.

Yusuf Xasan, isbitaalka wuxuu kula kulmey qoyska Hafsa, oo uu kamid yahay aabaheed iyo walaalahee

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this